Koronafayrus iyo hiv

Waxaa isbitaalka isku qayb lagu daawaynayaa hiv iyo caabuqa Korona, sidaas awgeed ayaa mashquulka waaxahani u badan yahay inbadan oo ka min ah isbitaalada wadanka. Dhamaan dadka qaba xanuunka hivka, ayaa ku sugnaan kara xaalad xasilooni ah, taas oo ay mudan yihiin in lala soconayo wixii baahidooda ah, iyo hadii ay tahay in loo cusboonaysiiyo daawooyinka loo qoray iwm.

scheduleOppdatert: 22.04.2020

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Qaybta xanuunada caabuqa ee isbitaalka Ullevål Oslo ayaa hirgeliyey nidaamyo u gaar ah oo lagula soconayo bukaannada la nool hivka. HivNorge ayaa xidhiidh joogto ah laleh qaybta bukaan-socodka, waxayna soo bandhigtaa macluumaad ku saabsan nidaamyada joogtada ah ee ku xusan websaydh keena.

Dadka dhawaan laga sheegay jirada hiv oo sugaya natiijada ka soo baxda Isbitaalka Ullevål si caadi ah ayaa loola socon doonaa isla marka natiijada baaritaanka la helo.

Inta badan dadka la nool hivka ee sifiican u qaata daawooyinkiisa oo aan lahayn cuduro dheeraad ah oo halis ah waxay ka qayb yihiin dadka leh nidaam difaac oo adag haddii uu xanuunka korona fayrusku ku dhaco Covid-19.

Tiro kooban oo dadka qaba/la nool hivka ayey si joogta ah ay u hoosaysaa tirada CD4, waxayna ahaan kartaa in difaacoodu hooseeyo taasoo keeni karta in ay xiliyada qaarkood dareemaan in ay unugul yihiin caabuqyada neef-mareenka. HivNorge waxaa soo gaadha su’aalo laxidhiidha la noolaanshaha hiv ma wuxuu la mid tahay in aanu ku jirno kooxaha u nugul cudurka koronaha ama aad si daran u bukoon karto hadii aad cudurka qadid. Waxaan ka helnay jawaab celinta soo socota madaxa waaxda caafimaadka daawada Ullevål:

Inta la’og yahay 17.3.20 Hiv kuma qeexana kooxaha khatarta ugu jira ama xanuun ba’an kala kulmi kara caabuqa Covid-19.

Agaasinka caafimaadku wuxuu 23.Maarso baahiyey in kooxaha khatarta ugu jira caabuqa korona lagu daro dadka difaaca jidhkoodu hooseeyio. Taasoo ka dhigaysa inta badan dadka la nool hiv ee uu si joogta ah uhooseeyo tirada CD4 koodu.

Dadka kale ee ku qeexan in ay yihiin kooxda khatarta ku sugan waa dadka da ‘doodu sarayso, oo leh cuduro joogto ah oo u dheeraada sida cudurrada wadnaha iyo halbolayaasha wadnaha, macaanka/sonkorowga, cudurada sambabka ee joogtada ah, kansarka, dhiig karka, culayska xad dhaafka ah/buurnaanta iyo sigaar cabista ayaa ah qodobbada kordhinaya halista khatarta ee xanuunka koronaha.

Hadii uu hooseeyo tirada CD4 oo aad qabtid xanuuno kale oo khatar ah, waxa aad muhiim u ah in aad raacdo si taxadar leh talooyinka Maamulka wadanka. Waa caqli gal in qofku is gooniyeyaa/soocaa oo uu ku ekaadaa gurigiisa taas ah mid uu ku sugan yahay xaalad amni ah oo uu ka dheeraado wakhti lumis badan oo guriga dibadiiisa oo aan muhiim u ahayan, meelaha lagu kulmo iyo kulamada dadka kale.

Weli waxaa jira waxyaabo badan oo aan la hubin. Machadka Caafimaadka Dadweynaha (FHI) wuxuu hadda leeyahay bog u gaar ah oo ku saabsan kooxaha halista gaarka ah oo si joogto ah loo cusbooneysiisyo macluumaadkiisa.

Jimcihii, Abriil 3, IAS (Ururka Caalamiga ah ee Aids-ka) ayaa marti-galiyay siminar internetka ku baxayey kaas oo WHO ay ku soo bandhigtay khibradaha ay ka sameeyeen ee la xidhiidha cudurka hiv iyo caabuqa korona.

Ilaa hada, waxaa jira dad aad u tiro yar (adduunka oo dhan) oo la nool/qaba HIVka oo uu ku dhacay xanuunka Covid-19. Sidaa darteed, ma jiraan baadhitaano gaar ah oo laga sameeyay isku-darka HIV iyo Covid-19, laakiin waayo-aragnimada laga helay waxay muujineysaa in:

  • HIV ma aha qodob haliseed kordhinaya halista dhimashada ama xanuun ba’an haduu kugu dhaco Covid 19, inkastooy tirada CD4 tahay.
  • Nidaamka difaaca jidhka oo hooseeyaa wuxuu keenaa halis sare in qofku xanuunka qaadi karo, laakiin ma ahan mid keeni karta halis sare iyo jiro daran ama geeri. Dadka tiradooda CD4 ka hoosayso 200, waxaa lagula talinayaa inay taxadar dheeraad ah muujiyaan si looga hortago qaadida xanuunka.
  • Inkastoo hiv kaligiis uusan keenin khatarta jiro daran hadii uu kugu dhoco caabuqa Covid 19, waxaase jira dad mudo la noolaa hiv haystana waxyaabo kale oo kor u qaadaya halista xanuunka. Tani waxay khusaysaa gaar ahaan dadka uu xanuunkoodu gaadhay aids uuna ku dhacay caabuqa sambabka ee la xidhiidha aidska ama jirooyin kale oo sambabka ah.

Khibradda WHO ayaa waafaqsan talooyinka jira ee hayadaha caafimaadka ee Norwey. Halkan waxaad ku arki kartaa seminarka oo dhan. Seminarka wuxuu ku baxayaa afka Ingiriisiga.

muhiim ma aha inaad u sheegtid cida aad u shaqaysid ama dadka kale xaaladdaada HIV ee la xidhiidha isqaadsiinta haddii aadan adigu arabin/dooneynin.

Halkan waxaad ka akhriyi kartaa talooyin guud oo ku socda bulshada oo uu bixinayo machadka caafimaadka dadwaynaha ee Norwey iyo cusboonaysiin macluumaad ku saabsan xaalada Noorway.

Haddii aad dareento qandho iyo dhibaato dhanka neefsashada ah, la xidhiidh dhakhtarkaaga-gaarka ah oo weydii in ay kaa qaadaan baadhitaan si loo hubiyo in aad infekshinka qaaday . Waa muhiim inaadan u tagin dhaqtarka adigoon horay wax balan ah uga sameysan, si talaabooyinka xakamaynta isqaadsiinta xanuunka loo hirgalin karo. Xiliyada Habeenka iyo Sabtida iyo Axadaha waxaad la xidhiidhi kartaa dhakhtarka gargaarka degdegga ah.

Daaweynta fayraska korona iyo la qaadashada dawada HIVka

Waxaa hada la isku dayayaa in lagu daaweeyo Covid-19 daawada hiv. Daawooyinka hivka ee loo adeegsado tijaabooyinka ayaan hada loo isticmaalin daaweynta hivka maanta. Maamulka caafimaadku waxay noo xaqiijinayaan in tani aysan saameyn doonin helitaanka daawooyinka loogu talagalay dadka la nool/qaba hiv.

Sidoo kale, majirto wax macluumaad ah oo soo jeedinaya in dadka la nool/qaba hiv aysan qaadi karin cudurka ‘Covid-19’ ama uusan qaadsiin karin fayruska sababtoo ah in uu qaato daweynta hivka dartiis.

Tallaalka Pneumococcal

Waxaa jirtay in xooga la saarey tallaalka Pneumococcal  kaasoo ka ilaaliya cudurka caabuqa sambabaha ee sababa bakteeriyada qaaxada. Wax xidhiidh ah lama laha cudurrka korona fayruska, laakiin kooxaha halista ayaa lagu booriyay inay u qaataan si ay u dabciyaan nidaamka caafimaadka hadda.

Tallaalka Pneumococcal waxaa la siiyaa qof kasta oo qaba hiv iyadoo lala kaashanayo kontaroolada bilowga ah ee dawooyinka infekshinka ah. Taasi macnaheedu waa dadka intiisa badan in loo soo bandhigay. Hada waxaa jira la’aanta tallaalka, marka waxaa la siin doonaa fursadaa keliya kuwa aan horey u qaadan oo ahna kuwa ugu halista badan ee ku jira inay si daran ugu bukoon karaan cudurka sambabka.

Xarunta daawaynta infekshika ee bukaan-socodka Ullevål wuxuu hadda siiyaa dhammaan bukaan-socodka ka weyn 65 sano tallaalka haddii aysan horay u qadanin.

Les også

schedule10.04.2024

→ Forebygging, testing og behandling eliminerer hiv

Tidlig diagnostikk, raskest mulig oppstart med antiretroviral behandling av hivinfeksjon, kondombruk og tilbud om forebyggende behandling (PrEP) til spesielt risikoutsatte er de viktigste hivforebyggende tiltakene, ifølge Folkehelseinstituttet.

schedule05.04.2024

→ Husk søknadsfristen til Hivfondet

Lever du med hiv og er i en vanskelig økonomisk situasjon? Neste søknadsfrist for Hivfondet er 1. mai.