Cusboonaysiinta macluumaadka ee qaybta daawaynta infekshinka iyo bukaan socodka OUS

Kliinigyada bukaan-socodka ee cudurada faafa ee Ullevål waxay si buuxda u hir galiyeen isticmaalka aalada dijitaalka laga bilaabo Jimcihii 13-ka Maarso. Goobaha xarunta bukaan-socodka waa la xidhi doonaa usbuucyada soo socda, laakiin rugta bukaan-socodka ee dhijitaalka ah ayaa shaqeynaya. Waxa ayana u shaqeynaysaa sidan:

scheduleOppdatert: 22.04.2020

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Bukaha la nool/qaba HIVka ee ay ahayd in uu lahaa balan la socosho ee qaybta bukaan-socodka, ayaa la ogeysiinayaa in labada baadhitaan ee dhiiga iyo kulanka la lahadalka/tashiga dhakhtarka bukaan-socodka ayaa la baajiyay. Si kastaba ha noqotee, balantu waxay ku qoran tahay buugga ballamaha ee dhakhtarka maalintaas. Dhakhtarku wuxuu akhriyayaa diiwaanka caafimaadka, wuxuu eegaa baadhitaanadii dhiiga ee hore, wuxuu akhriyaa qoraalo la qorey tan iyo baadhitaankii ugu dambeeyay, wuxuu soo diraa warqad mayal ahaan, wuxuu qoraa warqad uu kuugu baaqayo balan cusub. Dhakhtarku wuxuu taleefan u diri doonaa bukaha haddii ay lagama maarmaan tahay. Waxaad ka akhriyi kartaa qoraalka joornaalka adiga oo galaya bogga helsenorge.no oo aad dooranayso “diiwaanka bukaanka” ka dibna gobolkaaga laanta caafimaadka, Caafimaadka Koonfurta-bari ee Cusbitaalka wayn Oslo, ama waxaad gali kartaa minjournal.no oo xulo «dokumentiyada joornaalka».

Dadka dhawaanta laga helay cudurka HIVka oo sugaya natiijada ka soo baxda Isbitaalka Ullevål si caadi ah ayaa loola socon doonaa isla marka natiijada baadhitaanka la helo.

Sida loo galo minjournal / helsenorge.no:

Waxaa jiri doonta xoghayn, kalkaaliye caafimaad iyo dhakhtar bukaan socod oo la socda bukaan socodka maalin walba. Bukayaasha qaarkood ayaa heli kara ballamo gaar ah. Markaa waxaa ugu fiican in lagu yimaado socod / baaskiil ama baabuurkaaga. Si kastaba ha noqotee, Bente Magny Bergersen, oo ah madaxa caafimaadka ee bukaan-socod eegtada bukaan-socodka, ayaa weydiisanaya faham ah inay tahay inay wakhtigaan hadda ah mudnaanta siinayayaan bukaha qaba cudurka loo yaqaan ‘koronafaayruska’. Dhammaan bukaan-socodka la nool/qaba hiv-ka si wanaagsan ayaa loo daaweeyay uma baahna in ay ka walwalaan hadii dib loo dhigo baadhitaannada dhiigga.

Warqadda cusub oo ah dawooyinka HIV-ka

Hubi inta kaaga hartay/hadhay dawo maalmeedkaaga HIV-ka. Haddii aad dawooyin haysato gaadhaya laba ilaa saddex bilood, ma jirto sabab aad u soo qaadato dawo cusub oo toddobaadyada soo socda ah. Apotek1 oo ku yaal Storgata waxay marin u tahay dhammaan dadka isticmaala daawooyinka HIV-ka wayna ka dalban karaan hadii ay u baahdaan wakhti gaaban.

Warqadda daawada ayaa si otomaatik/dabiici ah dib loo cusbooneysiiyaa haddii aad hadda leedahay waqti balan caafimaad oo isla markaana si otomaatig ah ayaa loo cusbooneysiin doonaa haddii aad baadhitaan mustaqbalka dhow leedahay. Haddii qalad ka dhacay cusboonaysiintaan ama aad ubaahantahay daaweyn goor hore inta aad u baahan tahay baaritaankaaga xiga, waxaad la xiriiri kartaa HivNorge oo la xidhiidhi kara rugta bukaan-socodka ee cudurada faafa ee isbitaalka Ullevål.

Marka dhaqtarkaagu cusbooneysiyo warqada daawada, waxaad ka heli doontaa qoraal taas adoo ka galaya bogga helsenorge.nooo dooranaya «diiwaanka bukaanka» ka dibna gobolkaaga caafimaadka, Caafimaadka Koonfurta-bari ee Cusbitaalka wayn Oslo, Waxaad sidoo kale awood u yeelan doontaa inaad doorato «Daawooyinka» meesha aad ka heli doonto warqda cadaynta.

Xal ayaa sidoo kale loo abuuray iyada oo lala kaashanayo Apotek1oo ku yaal Storgaten ee magaalda Oslo, looguna talagalay kuwa ay ku adag tahay inay la soo kala soo baxaan dijitaal ahaan warqada cadaynta dawada. Haddii aadan ka ahayn macmiil joogto ah Apotek1 oo ku yaal Storgata oo aad dhibaato ku qabtid, waxaad ku qaadan kartaa si aad u cadayso dhalada galaaska / kiniiniga baakada ee muujinaya inaad adigu tahay mid qaata isla markaana aad dawo cusub ka heleyso farmasiga. Sidoo kale waad u wici kartaa halkaas si aad u ballansato haddii aad ku nooshahay meel ka baxsan Oslo, aad ka tirsan tahay rugta caafimaad ee faafa ee Ullevål oo aanad magaalada u soo safri karin. Xusuusnow inaad soo qaadato waraaqahaaga aqoonsi.

Farmasiiga ayaa kuugu soo diri kara daawada boosta daada haddii aad doorbideyso inaad guriga joogtid ama aad ku jirtid karantiil. Si toos ah ula xidhiidh farmashiisyahhaga si aad u hesho macluumaad ku saabsan xaaladaas

Hay`ada HivNorge sidoo kale waa lala xidhiidhi karaa si lagaaga caawiyo haddii aad dhibaatooyin la kulanto fahamka sida xaaladdani u shaqeeyso. Hay`ada HivNorge waxaa lagala xidhiidhi karaa post@hivnorge.no ama waxaad ka waci kartaa tel. 21 31 45 80 ama 920 16 892.

Ajaanibka jinsiyadaha kale wata ee u baahan warqada dawo qaadashada.

Kuwa aan ahayn buke ka tirsan cusbitaalka Noorwiijiga, laakiin ku xayiran magaalada Oslo oo u baahda dawada HIV-ka, waxay ka wici karaan HivNorge taleefanka 920 16 892, oo waxaan la xiriir kilinikada cudurada faafa. Waxay kaa caawin doonaan dawooyinka loo qoro si aad u hesho daweynta HIV-ka.

Korona iyo HIV

HivNorge waxaa soo gaadha su’aalo laxidhiidha la noolaanshaha hiv ma wuxuu la mid tahay in aanu ku jirno kooxaha u nugul cudurka koronaha ama aad si daran u bukoon karto hadii aad cudurka qadid. Waxaan ka helnay jawaab celinta soo socota madaxa waaxda caafimaadka daawada Ullevål:

Inta la’og yahay 17.3.20 Hiv kuma qeexana kooxaha khatarta ugu jira ama xanuun ba’an kala kulmi kara caabuqa Covid-19.

Agaasinka caafimaadku wuxuu 23.Maarso baahiyey in kooxaha khatarta ugu jira caabuqa korona lagu daro dadka difaaca jidhkoodu hooseeyio. Taasoo ka dhigaysa inta badan dadka la nool hiv ee uu si joogta ah uhooseeyo tirada CD4 koodu.

Dadka kale ee ku qeexan in ay yihiin kooxda khatarta ku sugan waa dadka da ‘doodu sarayso, oo leh cuduro joogto ah oo u dheeraada sida cudurrada wadnaha iyo halbolayaasha wadnaha, macaanka/sonkorowga, cudurada sambabka ee joogtada ah, kansarka, dhiig karka, culayska xad dhaafka ah/buurnaanta iyo sigaar cabista ayaa ah qodobbada kordhinaya halista khatarta ee xanuunka koronaha.

Haddii uu lambarka/tirada CD4 hooseeyo iyo hadii aad leedahay cudurro kale oo halis ah, waxaa gaar ahaan muhiim ah inaad si taxaddar leh u raacdo talada maamulka.

Nagala soo xidhiidh/xiriir ha`ada HivNorge haddii aad qabtid wax su’aaloah oo aadan ka helin jawaabteeda Machadka Caafimaadka Dadweynaha. Hay`ada HivNorge waxay wada tashi dhow la leedahay bukaan-socod eegtada bukaan-jiifka  ee Ullevål, haddii aad wax su’aalo ah ka qabtid noocyada daawooyinka waxaan kala hadli doonnaa qaybata bukaan-socodka ama qaybta infakshinka waxaanan kuugu soo jawaabnaa sida ugu dhakhsaha badan ee aan kari karno.

Halkan waxaad ka akhriyi kartaa talo ku saabsan bulshada guud ee machadka Caafimaadka Dadweynaha iyo macluumaadka ku saabsan xaaladda Noorway.

Les også

schedule24.03.2024

→ Ja, vi kan stoppe tuberkulose!

Verdens tuberkulosedag markeres 24. mars hvert år. Vi vil bruke denne dagen til å oppfordre norske politikere til å ta tuberkulose på alvor. Tuberkulose tar liv, den kan ramme alle, og den koster verden milliarder av kroner i helsekostnader og produktivitetstap. Samtidig vet vi hva som skal til for å stoppe den. Det er rett og slett en vinn-vinn-investering.

schedule22.03.2024

→ God påske

HivNorges kontor holder stengt hele påskeuken. Vi er tilbake tirsdag 2. april.